Wararka

Madaxweynaha dalka oo gaaray magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Sochi ee dalka Ruushka halkaas oo maalinta barri ah uu ka furmayo Madasha Dhaqaalaha Ruushka iyo Afrika.

Madaxweynaha oo maalinimadii shalay ka amba baxay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, dhaqaaleyahanno calami ah, Shirkado waaweyn oo dhanka maalgashiga ah iyo Golaha Guud ee Ururka Midowga Afrika, waxaa uuna Soomaaliya u yahay mid kay kusii ambe-qaadi karto qorsheyaasha dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jirta dalka.Image may contain: 5 people, people standing and suitImage may contain: 3 people, people standing and suitImage may contain: 8 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting and suitImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 4 people, people sitting, living room, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close