Wararka
Madaxweynaha dalka oo gaaray Magaalada Baladweyne.

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa haatan gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kadib muddo kaddib markii magaaladaas ka dhacday fatahaad geysatay khasaarooyin kala duwan oo naf iyo maal isugu jirta.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa waddo gurmad ay kaga qayb qaadanayaan samata bixinta Shacabka Soomaaliyeed ee ay saamaysay Fatahaadaha wabiga Shabeelle.
Wafdiga madaxweyne Farmaajo waxaa Magaalada Baladweyne ugu sii horeeyay wafdi kale oo isugu jiray xubno kamid ah Golaha wasiirada iyo Baarlamaanka dalka oo shalay gaaray magaaladaasi kuwaas oo u kuur galaayay xaaladaha noolaleed ee ka jirto magalada Baladweyne.