Wararka
Madaxweynaha dalka oo Caasimada dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qayb-galay Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxa uu ka qayb-galay shir heer sare ah oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya, shir saddex geesood ah oo ay qayb ka ahaayeen dalalka Masar iyo Kenya iyo kulan doceedyo kala duwan oo uu la qaatay dhiggiisa dalalka Caalamka.
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in wafdiga dowlada ee ka qayb galay shirkan ay caalamka la wadaageen xaaladda dalka iyo himilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dib u soo celinta dowladnimada iyo dib u dhiska dalka, iyagoo sidoo kale soo bandhigay mabaadi’da Dowladda iyo aragtida shacabka Soomaaliyeed ee arrimaha Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda.
“Wafdiga Jahmhuuriyadda ee uu hoggaaminayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay ku guuleysteen in ay si cad u hordhigaan Madaxda Caalamka sida Soomaaliya ay uga go’an tahay in arrinta dacwadda badda ee nagala dhexaysa dalka aan dariska nahay ee Kenya loo daayo Hay’adaha Garsooka Caalamiga ee Qaramada Midoobey.” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed.