Wararka
Madaxweynaha Cusub ee dowlad goboleedka Galmudug oo la dhaariyay.
Madaxweynaha Cusub ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa loo dhaariyay xilkiisa madaxweyne isagoo khudbad gaaban ka hor jeediyay mudanayaasha baarlamaanka 2-aad ee Galmudug waxaa uuna ku nuux nuuxsaday in uu ka shaqayn doona isukeenysta dadka walaalaha ah eek u kala aragti duwan doorashada maanta ka qabsoonta Galmudug.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa sidoo kale u mahadceliyay dhamaan musharaxiintii tartanka adag la galay isagoo ka dalbaday wada shaqayn dhinac walba leh. Madaxweynaha oo soo hadal qaaday xeriirka uu la yeelan doona dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe ayaa waxaa uu balan qaaday in uu xeriir wanaagsan la yeelan doona.
Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa sheegay in cid walbo oo wax tabanayso uu ugu tagi doona halka ay joogta waxaa uuna sheegay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo nabad galyada Galmudug oo dhan.
Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa tartan adag la galay afar musharax oo kale balse waxaa uu ugu soo gudbay codod gaaraayo 66 cod sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug.