Wararka

Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika oo balan qaaday in uu sii laba jibaari doona taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Wasirka wasaarada Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka qeyb galay Shirka sanadlaha ee Bangiga Aduunka ee ka dhacay dalka Equitorial Guinea ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Shirkaan oo ah mid sanadla ah oo ay kasoo qayb galaan dowladaha Africa oo idil ayaa waxaa uu sanadkaan ajandahiisu  ahaa  mudnnaanta kobcinta horumarinta ee ururrada iyo dowladaha oo idil.

Intii uu kulanka socday, wasiir Beyle ayaa warbixin siiyay Guddiga Sare ee Bangiga Horumarinta Afrika a wuxuuna uu sheegay muhiimmadda ay leedahay in Baanku uu kordhiyo taageerada Maaliyadeed ee loogu deeqo Soomaaliya si ayuu yiri wax looga qabato arrimaha soo kabashada iyo is-dhexgalka gobolka.

“Kulammadii iyo wadahadlladii aan la yeeshay maanta Guddiga Sare ee Bangiga Horumarinta Afrika (Governors) ee ku sugan shirka sannadlaha ah ee Bangiga, waxaan ku celiyay muhiimmadda ay leedahay in Baanku uu kordhiyo taageerada Maaliyadeed si ay wax uga qabato arrimaha soo kabashada iyo is-dhexgalka gobolka”.

Wasiirka maaliyada Xukuumada federalka Soomaaliya  ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay balanqaadka  madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika, Akinwumi Adesina kaas oo balqaaday in  Bangiga Horumarinta Afrika uu sii wadi doono taageeradiisa joogtada ah.

 

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close