Wararka

Madaxweynaah Jubbaland oo la kulmay Ambaasadoor Francisco Madeira iyo Taliyaha AMISOM Tigabu Yilma.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka Martida ee magaalada Kismayo ku qaabilay Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, iyo Taliyaha AMISOM Tigabu Yilma Wondimhunegn iyo Masuuliyiin kale.

Kullanka  kadib waxaa warbaahinta lahadlay Madaxweynaha iyo Danjire Madeira, madaxweynaha Jubbaland Ahmed Mohamed Islaam (Ahmed madoobe) oo kulanka ka warbixiyay ayaa sheegay in la isku raacay sidii howlgalada amniga laa xoojin lahaa iyadoo la isku furayo wadooyinka ay xireen ururka  Al-Shabaab sidoo kale waxaa uu madaxweynaha sheegay in la isla soo qaaday Arimaha doorashooyinka la iskuna raacay in Hay’adaha Amniga Jubbaland ay ku filan yihiin sugida Amniga Doorashooyinka.

Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira oo dhankiisa  ka hadlay ayaa sheegay in howlgalka AMISOM uu qorshaynayo sidii Ciidamada Soomaalida loogu wareejin lahaa Amniga dalka.

Ambaasadoor Francisco  ayaa daaha ka qaaday wararka la isla dhexmarayo ee la xiriira in is badal lagu sameeyay Ciidamada AMISOM ee jooga Jubbaland ay yihiin waxba kama jiraan dhamaana ay ahaan doonan sidii ay markii hore u howlgalayeen.

Ugu danbeyn Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira  ayaa sheegay in AMISOM ayna faraha la galaynin Arimaha doorashooyinka wixii kaalmo ah ee Jubbaland ay uga baahatana ay la garab taagan yihiin sidookale waxaa uu ugu baaqay madaxda Jubbaland in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo Jubbaland.Image may contain: 5 people, people sitting and tableImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 2 people

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close