Wararka
Madaxwene kuxigeenka dowlada Puntland oo la kulmay laamah amniga.
Madaxwene kuxigeenka ahna kusimaha madaxweynaha dowlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan (karaash) ayaa kulan la qaatay laamaa Garsoorka Puntland isagoo kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa falalka kufsiga ee mudooyinkii dambe ku soo badanaayay deeganada Puntland.
Kulanka ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Wasiirada Wasaaradaha Amniga, Caddaalada iyo Haweenka iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, kulanku intii uu socday si qoto dheer ayaa looga wadahadlay arrimaha cadaaladda iyo sidii kor loogu qaadi-lahaa.
Sidoo kale kulankan oo ahaa mid muhiim ah waxaa dhinacyadii ka qayb-galay oo isugu jiray Booliska, CID-da, Maxkamadaha, iyo Asluubta ka xog-warameen kiisaskii ugu danbeeyey ee ka dhacay Puntland, gaar ahaan arrimaha kufsiga iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Shiikh Xaamud ayaa ka warbixiyey kulanka isagoo sheegay in cidkasta oo danbi gashay ciqaabteeda lamarin doona haddana ay ku guda jiraan sidii loo dedejin lahaa kiisaska hadda taagan oo kufsigu kow ka yahay.
Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, ayaa laamaha kala duwan ee shirka kasoo qayb-galay kula dardaarmay inay wada shaqayn xooggan yeeshaan, si arrimaha Cadaaladda kor loogu qaado, loona dhameeyo ficilada foosha xun-xun ee soo laalaabtay.