Wararka
Madaxwaynihii hore ee dowladii KMG aheyd ahna gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif sheekh Axmed oo soo gaaray magaalada Muqdisho.
Magalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa goor dhaw soo gaaray madaxwaynihii hore ee dowladii KMG aheyd ahna gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif sheekh Axmed.
Waxaa garonka diyaaradaha Aadan-Cadde ku soo dhaweeyey Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.
Sheekh Shariif sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in uu lahadlo boqolaal tageerayaashiisa ah kuwaas oo si weyn u soo dhaweeyay, iyagoo sita Boorar lagu xardhay sawirka Sheekh Shariif iyo Astaanka xisbiga himilo Qaran.