Wararka
Madaxwayne Farmaajo oo sagootiyay Mudane Ismacil Cumar geelle.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mohamed C/llahi_Farmaajo ayaa galabta kusii sagootiyay Garoonka Aadan Cabdulle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismacil Cumar geeelle iyo wafdi ballaaran oo ku wehliyay safarkiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gabagabeeyay booqashadii labada maalmood ahayd ee uu ku yimid magaalada Muqdisho kaddib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa uu xarigga ka jaray dhismaha cusub ee safaaradda Dowladda Jabuuti ku yeelanayso Soomaaliya. Madaxwaynaha ayaa ka qayb galay kullan aay mudanayaasha baarlamaanka aay ku casuumin.