Wararka

Madaxwayne Farmaajo oo ka qayb galay Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum Saqar Ibraahim Cabdalla.

Marxuum Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa Salaada Janaasada lagula dukaday gudaha madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Maanta waxa ay ka qeyb galeen Salaada Janaasada ee Marxuum Xillibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha  Shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa Shaqsi afgaaban oo mar walbo cibaadada Alle ku dadaala, daacad iyo howlkar ahaa, ku weyneyd Soomaalinimada iyo hormarinta dowladnimada Soomaaliya.

Alle ha u naxariistee Marxuum Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa ka mid ahaa xildhibaanada Golaha Shacabka, ka hor inta aan xilka wasiir ku xigeenka loo magacaabin waxa uu xubin ka ahaa guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabk,waxaana uu ku geeriyooday weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee shalay lagu qaaday Xarunta wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close