Wararka
Madaxwaynahii hore ee Soomaaliya Cabdi-Qaasim Salaad oo ha kadlay qaraxii dhawaan ka dhacay Muqdisho.

Madaxwaynahii hore ee Soomaaliya Cabdi-Qaasim Salaad Xasan oo ka haldya Qaraxii 28-kii bishaan ka dhacay Isgoyska Ex-conrol Afgooye ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay kana tiiraanyaysan yahay khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.
Madaxweyne C/Qaasim wuxuu xusay in musiibooyinka iyo qaraxyada dalka ka dhacaaya yihiin kuwo horay u soo jiray,isla markaana ay yihiin kuwo dadka Soomaaliyeed ay gacmahooda ku kasbadeen.
Sidoo kale Madaxwaynahii hore ee Soomaaliya Cabdi-Qaasim Salaad Xasan ayaa Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan si looga baxo dhibaatooyinka haysata dalka iyo dadka Soomaaliyeed.