Wararka
Madaxwaynaha Soomaaliland Muuse Biixi oo xariga ka jaray seddex wiish.
Madaxwaynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xariga ka jaray seddex wiish (mobile harbor crane) oo loo siticmaali doona rarka iyo dajinta badecadaha kala duwan ee ka soo daga kana dhoofa dekadda Berbera.
Waxaa munasabada xarag jarka madaxweynaha ku wehlinaayay guddoomiyaha golah wakiilada Soomaaliland Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha maxkamadda sare garyaqaan Aadn Haaji Cali Ahmed, xubno ka,ida asxaabta xisbiyada qaranka, maareyaha dakadaha Saciid Xassan C/llahim, madaxda shirkadda DP world, xubno kamida golaha wasiirada iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyn waxaa munasabada hadal kooban ka jeeddiyay guddoomiyaha dekadaha Soomaaliland Saciid Xassan C/llahi isagoo sheegay in ay waxbadan kabadali doonaan wiishashka cusub ee lakeenay dekada Berbera.
Madaxweyna ku xigeenka shirkada DP world ee gacanta ku haysa dekada Berber Suhail Al banna ayaa sheegay in shirkad ahaan ay xil iska sareen sidii loo casriyeen lahaa dekada Berbera si ay ula tartanta dekadaha gobalka ku yaal waxaa uu intaas ku daray in ay ku howlan yihiin sidii loo ballaadhin lahaa dekada.
Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhankiisa munasabada ka hadlay waxaa una u mahadceliyay madaxweynihii isaga ka horeeyay Ahmed Siilanyo go aankii oo Soomaaliland ku keenay shirkadda DP world, waxaa kala oo uu booriyay shirkadda DP world in ay sii wadaan shaqada ay ka hayaan Soomaaliland isagoo ugu danbeeyn shacabka ku dhaqan Soomaaliland kula dardaarmay in ay dowlada lashaqeeyaan.