Wararka

Madaxwaynaha maraykanka Donald Trump oo martiqaad ka helay boqortoyada Ingiriiska.

Madaxwaynaha maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay martiqaad uu ka helay boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth II, safarkaas ayaa qadan doona mudda 2malin ah waxaa uuna  dhici doona 3-da bisha Juun iyadoo ay madaxwaynaha ku wehlindoonta xaaskiisa Melania Trump.

Madaxwayne Trump ayaa safar shaqo ku tagay dalka U.K  horaantii sanadkii 2018, waxaana lagu wadaa in uu ka qaybgalo sanadguuradii 75aad ee digaalkii 2aad ee Dunida.The Queen walks alongsidDonald Trump as the US President inspects the guard of honour during a welcome ceremony at Windsor Castle on 13 July 2018

Wadamadii ka qaybqaatay dagaalkii 2aad ee Dunida ee dhinacii dalka Ingiriiska ka howl galaayay ayaa ayaguna lagu casuumay madashaas, waxaana kamida wadamada lagu casuumay Maraykanka, Kanada, Faransiiska, Australia, New Zealand, Belgium, Luxembourg, Poland, Norway, Denmark, Netherlands, Greece, Slovakia iyo Czech Republic. Jarmalka ayaa sidoo kale lagu martiqaaday kulankaas.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close