Wararka
Madaxwaynaha Jubbaland oo gaaray magaalada Bosaaso.

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafti uu hoggaaminaayo oo iskugu jira xildhibaanno iyo qaar kamid ah golaha wasiirada ayaa goordhaw gaaray magaalada Bosaaso ee caasimadda gobolka Bari.
Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso kusoo dhaweeyay Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Bosaaso ee caasimadda gobolka Bari waxaana la filaayaa in kulanka labada madaxweyne ay kasoo baxaan qodoba muhiim ah.
Waa safarkii ugu horeeyay ee madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu ugu baxo gudaha dalka kadib doorashadiisi buuqa badan dhalisay ee sanadkii tagay 2019-ka.