Wararka

Madaxda ugu sarayso maamulka Somaliland oo soo dhawaysay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Kulan ay maanta si wada jir ah u yeesheen Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa looga hadlay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo xalaadahada xanuunka Coronaviruska.

Madaxweynaha iyo madaxda kale ee kulanka kala qayb galay ayaa bulshada ugu baaqay inay qaataan awaamiirta iyo soo jeedimaha guddigga ka hortagga xanuunka covid-19, islamarkaana ka fikiraan badbaadooda iyo midda shacabkaba.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo kulanka ka hadlay ayaa cadeeyay maqifka Somaliland ka taagan tahay wada-hadal ay la gasho Soomaaliya waxaa uuna hoosta ka xariiqay in ay diyaar u yihiin in horay loo sii wado wada hadalada labada dhinac.

“Waxan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo haddii aanu Somaliland nahay in la wada-hada oo soomaaliya oo hadalkoodu hore u furnaa, muddona aanu hirgelin in la wada hadlo oo danta aanu isku haysanno iyo waxa naga dhexeeya laga wada-hadlo oo wada-hadal lagu dhammeeyo, horena waanu u qaadannay haddana waannu aaminsanahay, diyaarna waannu u nahay, waana mabda’iyan, ma nihin qolo ka baqanaysa fagaare,” ayuu Yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.Image may contain: 1 person, shoesImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: one or more people and people standingImage may contain: 4 people, people standing and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close