Wararka
Madaxda Mucaradka Somaliland iyo Masuuliyiinta maamulkaas oo arrimo dhowr ah ka wada hadlay.

Kulan Muddo qaatay ayaa waxaa magaalada Hargaysa ee caasimada maamulak Somaliland uu dhex maray qaar kamid ah madaxda Xisbiyada mucaaradka iyo masuuliyiin ka socota xukuumada Somaliland oo uu ugu horeeyay madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Abdirahman Saylici.
Shirkaan ayaa markii uu soo idlaaday waxyaabihii looga hadlay waxaa ka warbixiyay Lataliyaha arrimaha doorashooyinka Madaxweynaha mamulka Somaliland Abdullahi mohamed Daahir waxaa uuna xusay in kulankanai looga hadlay sidii go’aan looga gaari lahaa wakhtiga doorashada iyo in uu hor u dhac uu u yahay kulama kale oo soo socda.
Kulankaan ayaa kusoo aadaayo maalma u’n ka hor markii la dhaariyay laba xubnood oo kamid noqonaayay koomishinka Doorashooyinka Somaliland.