Wararka

Madaxda dowladaha Turkiga Pakistan iyo Malaysia oo heshiis taarikhi ah isla gaaray.

Hoggaamiyayaasha dalalka Turkiga, Pakistan iyo Malaysia oo kulan doceed ku yeeshay magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobe ee ay ka socota Shirka Golaha Loo dhanyahay ee Qaramada Midoobe ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga dalalkaasi dhexdooda ah.

Madaxdaan ayaa sidoo kale isla gaaray afgarad ah in ay iska kaashadaan aas-aasidda muuqaal baahiye(TV) Ku baxa luuqadda English-ka kaas oo lagu gudbin doona waciy galinno hawada ka saarro waxa loogu yeera Islam Naceebka (Islamophobia) iyo tacriifta aan saxda aheyn ee laga qabo diinta Islaamka.

Kulanka ay yeesheen masuuliyinta kala ah madaxweynaha dalka Turkiga mudane Recep Tayyip Erdogan, Ra’iisal wasaaraha dalka Pakistan Minister Imran Khan iyo Ra’iisal wasaaraha dalka Malaysia Mahatir Mohamad ayaa dhacay khamiistii shalay aheyd waxaana ugu danbeyn la’isku raacay in muuqaal baahiyahaan loo gacan galiyo dad Muslimiin ah oo culima ah kuwaas oo dabar gooya Fikirka Islaam naceebka ah loona bayaamiyo sida saxda ah ee diintayna Sharfan ee Suuban ee Islaamka qabto.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close