Wararka

Madaxda caalamka ee ka falceliyay weerarka lagu qaaday masaajidda Dalka New Zealand.

Dalalka saaxiibbada la ah dalka New Zealand iyo kuwa kale ee ay dariska yihiin ayaa ka falceliyay weerarka lagu qaaday masaajidda, waxayna sheegeen in ay ka murugoodeen  kana argagaxeen weerarradaas.

Akhriso qaar ka mid ah dalalka dhacdadan ka hadlay:

Malaysia ayaa xaqiijisay  in labo muwaadin ay kaga dhaawac meen weerarka. Wasaaradda arrimaha Dibadda Malaysia ayaa cambaaraysay. “weerarkan macno la’aanta ah ee argagixisadu ku qaaday dadka aan waxba galabsan ee shacabka ah, ayna rajaynayso in sharciga la hor keeno dadkii falkaas foosha xun ka dambeeyay”.

Ra’iisulwasaaraha dalka Fiji Frank Bainimarama ayaa yiri “Qalbiga ayaa jaban dadka reer Fiji, waxaana la murugoonaynaa dadka aan walaalaha nahay ee reer New Zealand”. Waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dadka dhintay uu ka mid yahay hal ruux oo u dhashay Fiji ama laga yaabo in ay intaas ka sii bataan.

Ra’iisulwasaaraha Australia Scott Morrison ayaa sheegay in dadkiisu ay “garab taagan yihiin dhammaan dadka reer New Zealand ee ku jira wakhtigan madaw ee nacaybka iyo rabshadahu ay ka xadeen nabadda.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Indonesia Retno Marsudi ayaa sheegtay in ay “aad u cambaaraynayso weerarka, iyadoo ay dadku ku jiraan masaajid ay ku tukanayeen.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa tacsi u diray dalka New Zealand, isaga oo magaciisa iyo midka dalkiisa ku hadlaya, wuxuuna cambaareeyay ciddii Muslimiinta masaajidka ku laysay.

Toogashada ayuu ku tilmaamay in ay tahay “wax aad loo dhaleeceeyo” wuxuuna intaas ku daray in ay tahay tallaabadii u dambaysay ee cusnsuriyadda iyo Islaam nacaybka sii kordhaya.

Ra’iisulwasaaraha UK Thirisa May ayaa cambaaraysay “weerarkan xannuunka badan” waxayna dirtay tacsi.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close