Wararka
Madaxa Xukumadda Galmudug oo War-saxaafadeed kasoo saaray dagaalada ka soo cusboonada Gobalka Mudug.

Madaxa Xukumadda Galmudug Dr Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa baaq nabadeed udiray Beelaha Walaalaha ah ee Dirirtu kudhex mareyso agagaarka Deegaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq ee Gobalka Mudug.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxa Xukumadda Galmudug ayaa sidoo kale loogu baaqay Odoyaasha, culimada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan in ay dhoorkooda ku aadan sidii nabad loogu noolaan lahaa ka qaataan dadaalada lagu xalinaayo beelaha walaalaha ah ee dirirta dhexmarayso.
Ugu danbentii Madaxa Xukumadda Galmudug Dr Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa soo dhaweeyay cid kasto oo nabada jecel oo rabto in ay gacan ka gaysato sidii loo kale dhex gali lahaa beelahaas walaalaha ah ee dirirta dhexmarayso.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedkaan oo dhamaystiran: