Wararka
Madaxa Xukumadda Galmudug oo Dhagax dhigay Dhismaha cusub ee Gudiga Doorashooyinka Qaranka Madaxabanaan qeybta Galmudug.

Madaxa Xukumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Maanta Magalada Dhuusamareb ee xarunta maamulka Galmugud ka Dhagax dhigay Dhismaha ay ku shaqeyn doonaan Gudiga Doorashooyinka Qaranka Madaxabanaan ee Soomaaliya qeybta Galmudug.
Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka ee Galmudug Cabdi Risaaq Diiriye Warsame ayaa Madaxa Xukumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan uga mahadceliyay Sida uu Gudiga ugu suurta galiyay in Gudiga Doorashooyinka ay heleen dhul uu leyahay Gudigu.
Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa umahad celiyay Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil sida ay ugu taagan tahay u adeega Bulshada Soomaaliyeed.
Dhawaan ayaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareb lagu qabto doorashada Madaxweynaha iyo tan Baarlamaanka Galmudug waxaana Deedanada Galmudug kasocota u diyaar garoowga doorashooyinkaasi iyadoo amin horeba ay tageen qaar kamid ah Musharaxiinta shaaciyay in ay diyaar u yihiin hoggaanka Dowlad Goboledka galmudug.