Wararka
Madasha Xisiyada Qaran oo lacg dhan 200,000 oo Doolar ugu Deeqay Dadka ay Saameeyeen Fatahada .

Iyadoo ay socoto gurmadka loo samaynaayo dadkii ay saamaysay fatahaadaha wabiyada Shabeelle iyo Jubba ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada MuqdishoMadasha Xisiyada Qaran waxaa ay lacg dhan 200,000 oo Doolar ugu Deeqay Dadka ay Saameeyeen Fatahada Wabiyadaasi.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna madaxa Madasha Xisiyada Qaran oo kulanka ka hadlay ayaa ka warbixiyay in deeqdaan lacag ay soo aruuriyeen dad ka tirsan madasha xisbiyadaan iyo dad aan ka tirsaneen intaba taas oo uu ku tilmaamay sida ay dadka Soomaaliyeed isku garab istaagaan marka ay dhibaato timaado.
Ugu danbeyn waxaa ay madaxa Madasha Xisiyada Qaran sheegeen in ay xaqiijinta lacagtaas in ay gaarto dadkii loogu tiro galay ay u xil saareen guddi gaaraayo ilaa 11-xubin.