Wararka

Madasha Teknoolijiyada ee Mugdisho (Mugdisho Technology Summit2019) oo maanta ka furantay Muqdisho.

Waxaa maanta Hoolka weyn ee Sahal ee Magaalada Mugdisho ka furmay madasha Teknoolijiyada ee Mugdisho (Mugdisho Technology Summit2019) oo sanadkiiba mar qabsoonta waxaana madasha lagu casuumay madax ay ka mid yihiin,  Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumada federaalka Soomaaliya Mahdi Mohamed Guuleed Khadar, Wasiirka Beeraha iyo waraabka Saciid Xussen Ciid, wasiirka Kalluunka Abdillahi Bidhan, Guddoomiyaha Gobolka banadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar filish) iyo Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xassan

Wasiirka Beeraha iyo waraabka Saciid Xussen Ciid oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Teknoolijiyada ay si weyn u cabin karto dalkaan haddii sida saxda loo isticmaallo. Sidoo kale waxaa uu sheegay in haddii Teknoolijiyada loo isticmaallo qaybaha beeraha iyo kalluunka uu dalka ka bixilahaa baahiya iyo abaaraha soo lab laabto.

Sidoo kale waxaa madahsa Teknoolijiyada ee Mugdisho (Mugdisho Technology Summit2019) ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa caasimada Muqdisho waxaa uuna sheegay in Muqdisho ay rabaan in ay u muuqato mid kamid ah caasimadaha ugu quruxda badan adduunka waxaa uuna intaasi ku daray in taasi ay ku suurta galli karto haddii la isticmaallo Teknoolijiyada.

Madashaan ayaa socon doonta inta u dhaxayso 19-ka bishaan ilaa 21 bishaan waxaana inta uu socda lagu soo bandhigi doonaa faa’iidada  Teknoolijiyada iyo sida looga faa’idaysan doona.ImageImageImage

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close