Wararka
Madasha Dhaqaalaha Ruushka iyo Afrika oo furantay.

Magaala Xeebeedka Sochi ee Koonfurta dalka Ruushka uu ka furmo Madasha Dhaqaalaha Ruushka iyo Afrika,
Waxaa Magaalad Xeebeedka Sochi ee Koonfurta dalka Ruushka maanta ka furmay Madasha Dhaqaalaha Ruushka iyo Afrika, kaas oo ay ka qayb galeen kudhawaad 3,000 oo marti ah oo ka kala socda Ruusha iyo Africa.
Madashaan oo socon doonta laba maalin ayaa waxaa looga hadlayaa arrima la xeriira dhaqaalaha iyo siyaasadda iyo soo saarka iyo ka faa’iideysiga tamarta Nukliyeerka.
Dhamaank 54-ta dale e qaaradda Africa ayaa wakiillo u dirsaday madashaan si ay ugu matalaan shirka sida laga soo xigtay masuul katirsam maamulka madaxweyne Putin oo la yirahdo Yuri Ushakov.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo uu furitaanka kulanka ku wehlinaayay madaxweynaha dowlada Masar Abdel-Fattah el-Sissi ahna Guddoomiyaha Ururka Midowga Africa ayaa sheegay in Africa ay u dhoofiyaan raashin qiimahiisu gaaraayo $25 billion oo doolar ayna sii laba jibaari doonaan ganacsiga kala dhaxeeyo qaaradda Africa shanta sano ee soo socota.