Wararka

Maareeya ku xigeenka dekedaha Soomaaliland oo beeneeyay doon u rarnayd ganacsato Reer Somaliland oo degtay.

Maareeya ku xigeenka dekedaha Soomaaliland ahna kusimaha maareeyaha dekadaha Somaliland Cabdi Xassan Mataan oo maanta qaar kamida warbaahinta kula hadlay xafiiska maamulka dekada magaalada Berbera ayaa waxaa uu ka hadlay doon u rarnayd ganacsato Reer Somaliland oo Degtay Islamarkana Beeniyey In ay Ku degtay Biyaha Badda Somaliland.

Maareeya ku xigeenka dekedaha Soomaaliland ayaa sheegay in ay aad ugu xunyihiin doonidaas quustay isagoo xusay In aysan jirin dad wax ku noqday balse ay gaysatay qasaaro maal.doontaan ayaa katimid dalka Iskutaga Imaraadka waxaa ayna kusoo wajahneed dekada Berbara.

Cabdi Xassan Mataan ayaa ku sababeeyay doonta in ay degto, biyaha badda oo kacsanaa waxaa uuna u digay dhamaan ganacsatada reer Soomaaliland in ay ka foojignaadaan dhibaatada ay keenta dabeesha Moonsoon oo timaada bisha Jun taas oo socota ilaa bisha August kana timaado dhinaca koonfur galbeed.

Maareeye Ku-xigeenka ayaa sidoo kale beecmushtarka Somaliland kula dardaarmay in ay isticmaalaan maraakibta inta lagu guda jira bilahaan ay badda kacsantahay oo ay doomaha yar yar awoodi Karin in ay maraan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close