Wararka
Maanta oo Caasimada Muqdisho laga xusaayo sanad guuradii ka soo wareegatay Markii uu geeriyooday Duqii Muqdisho.

Maanta oo jimco ah ayaa waxaa muqdisho ka soconaya munaasab lagu xusayo,isla markaana loogu duceynaayo madaxdii Gobolka Banaadir ee waxku noqday qaraxii lala beegsaday xarunta dowladda Hoose,waxaana la filayaa inay ka qeyb-galaan ururada bulshada rayidka iyo madax kale oo heer gobol ah iyo heer dowladeed.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Filish) ayaa magacaabay guddi diyaariya munaasabaddaasi lagu xusayo ,looguna duceynayo Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Banaadir ahaana duqii Caasimada Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow iyo dhowr iyo toban qof.
Afhayeenka Gobolka Banaadir Salaax Cumar oo ka mid ah guddiga diyaarinayo munaasabadaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay uduceeyaan marxuumiintii ku ku dhintay Xaranta Aqalka Hoose ee Xamar.
Weerarkii sanadka ka hor ka dhacay aqalka dowladda Hoose waxaa ku dhinta sedex Guddoomiye Degmo,labo lataliye sare ,hal agaasime guud ,sedex agaasime waxed waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo ka badan 12 ruux.