Wararka
Maamulka Gobolka Oo Ka Shiray Dar Dargelinta Iyo Kor U Qaadista Dakhliga Gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir Guddoomiyay kulan looga hadlayey dar-dargelinta iyo kor u qaadista dakhliga Gobolka Banaadir si loo fuliyo mashaariic wax ku’ool ah.
Kulankani waxaan goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir, Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud maamulka Gobolka Banaadir iyo Agaasimayaasha Waaxaha daqliga ee dowlada Hoose Xamar.
Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish ayaa faray mas’uuliyiinta kulankani kasoo qeyb gashay kula dar daarmay in ay xoojiyaan kordhinta daqliga, iyada oo laga fogaanayo wax kasta oo musuq maasuq la xariira.