Wararka
maamulka Gobolka Banadir oo booqasha ugu tagay Qaar kamid ah dadki ay waxyeelada ka soo gartay weerarkii shalay.

Cisbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta gaaray Kusimaha Duqa Caasimadda Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Axmed Xasan Iimaan oo halkaasi u tagay sidii uu u booqan lahaa qaar kamid ah dhaawacydii ku dhaawacmay Weerarkii Shalay lagu qaaday Elite hotel.
Maamulka Cisbitaalka Digfeer Ayaa Guddoomiyaha uga warbixiyey xaalada Dhaawacyada iyaga oo sheegay in ay heleen adeeg wanaagsan ayna heegan ugu jiraan latacaalidda xaaladooda.
Dhinaca kale Maamulka Gobolka Ayaa sheegay in dhaawacyada culus ee u Baahan in ay helaan adeeg kabaxsan Dalka in ay gacan weyn ka geesanayaan Qaadidooda iyaga oo latashi la samaynaya dhakhaatiirta.
Sidoo kale Kusimaha Duqa Caasimadda Ayaa booqday Goobtii uu weerarka ka dhacay ee Hotel Elite waxaana Maamulka gobolku uu faray waxda Nadaafada Gobolka in ay kusameeyaan Bilic soo celin goobta uu weerarku kadhacay.