Wararka
Maamulka gobolka Banaadir oo hirgaliyay xarun Shaybarka qalabka Mudo-30 sano kadib.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Faarax Cabdi Diini ayaa mid mid u kormeeray qalabyada casriga ah ee yallay Sheybaar lagu baari doono Tayada noocyada kala duwan ee loo adeegsado dhismaha.
Duqa Caasimada Muqdisho ayaa markii uu tagay xaruntaan waxaa uu warbixin ka dhageestay Eng-neerada hooshaan ku taqasusay kuwaas oo tilmaamay in agabyadaani ay yihiin kuwa tayadooda la hubo islamarkaana wax badan ka qaban doono dhismooyinka aan tayada laheyn ee la fuliyay.
waa markii ugu horeysay ee mudo 30-sano kadib uu Maamulka gobolka Banaadir ku guuleystay hirgalinta xarun Sheybaar ah oo lagu baari doono Tayada noocyada kala duwan ee loo adeegsado dhismaha, waxaana dhismooyinka laga fulin doono magaalada Muqdisho ay noqon doonan kuwa baaristooda halkaan soo mara si loo hubiyo tayadooda.