Wararka

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay waddo hormarto Garoonka Cayaaraha ee Municipio.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo kan Degmada Warta Nabadda ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay dhismaha wado dhirirkeedu gaaraya 700m, oo hormarta Garoonka Cayaaraha ee Municipio, taasi oo la dhigayo interlog si ay ugu faa’ideystaan shacabka ku dhaqan degmada Warta Nabadda.

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Howlaha Guud, Aadan Sheekh Cali Fiidow iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed, ayaa dhagax-dhigay wadadaasi, iyagoona shacabka Degmada kula dar-daarmay in ay ilaashadaan kana faa’ideystaan wadadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Seynab Xaabsey ayaa sheegtay in dhismada wadadaan ay ka faa’ideysanayaan shacabka ku dhaqan Degmada kuwaasi oo shaqo abuur loogu dhigay, isla markaana marka ay soo idlaato ay xil ka saaran tahay sidii ay u wada ilaashan lahaayeen, waxa ayna Maamulka Gobolka ugu mahadcelisay fulinta Mashruucaan oo qeyb weyn ka qaadanaya dib u dhiska Degmada iyo kan Caasimadda.Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standingImage may contain: one or more people and people standingImage may contain: one or more people and people standing

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close