Wararka
Maamulka Gobalka Banaadir oo bilaabay qorsho Haweenka ku nool casimadda loogu sameeynaayo xirfad ay ku shaqeystaan.
Maamulka Gobalka Banaadir ayaa bilaabay qorsho Haweenka ku nool Gobolka Banaadir loogu sameeynaayo xirfad ay ku shaqeystaan.
Waxaa jira Haween badan oo leh xirfadda aay ku shaqaysan karaan balse aan helin taakuleyn iyo dhiira gallin.
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir ayaa booqatay Degmada Karaan waxeyna soo aragtay dumar badan oo ku shaqeysta Farsamadda Gacanta.
Haweenka degmada Karaan ayaa uga mahad celiyeen sida uu ugarab istaagay Maamulka Gobalka Banaadir oo uu horkacaayo Duqa Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Abdirahman Omar Osman Enj Yariisow.