Wararka

Maamulka g/banaadir oo dhagax dhigay waaxda oktoobar ee degmada waaberi .

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta dhagax dhigay Xarunta Waaxda Oktoobar ee Degmada Waaberi.

Guddoomiyaha oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa ku ammaanay bulshada degmada Waaberi isku duubnida iyo is-garab istaagga ay ku tilmaaman yihiin, iyagoona hormuud u ah dadaallada nabadda iyo isdhexgalka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Xuseen ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray barnaamijka daadejinta Maamulka oo masuuliyiinta Gobolku ay dadaal badan geliyeen, iyadoona adeegyadii asaasiga ah ee maamul haatan la gaaarsiiyey inta badan degmooyinka Gobolka.

Sidoo kale, munaasabadda dhagax dhigga waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed Guddoomiyaha Degmada Waaberi Mudane Mahad Cilmi Cali iyo hormuud qeybaha bulshada ee degmada.

Dadka ku nool degmada Waaberi ayaa soo dhaweeyey dhagax dhigga Xarunta Waaxda Oktoobar waxa ayna tilmaameen in hirgelinteedu ay xoojinayso isdhexgalka bulshada, darsieynta iyo amniga.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close