Wararka
Maamulka Degmada Luuq Amarro cusub ku soo rogay Dhalinyarada ka shaqeysta Bajaajta.
Maamulka Degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa Amarro cusub ku soo rogay Dhalinyarada ka shaqeysta Bajaajta. dhalinyarada Bajaaj la yaasha ayaa iskaaga kala gooshi jiray demada luuq iyo tuuloyinka hoostaga.
Kulanka waxaa ka soo qayb galay Maamulka,Saraakiisha laamaha ammaanka degmada Luuq,dhalinyarada ku shaqeysta xirfadda dirawalnimada iyo Milkiilayaasha Bajaajta.
Amaradan Cusub ee ay soo kordhiyeen Maamulka degmada Luuq ayaa waxaa ka mid ahaa in Bajaajleydu aysan tagi karin goobaha ka baxsan degmada Luuq sida tuulooyinka hoos yimaada .
Maamulka ayaa cadeeyay in sharciga lala tiigsan doono qof walba oo isku daya in uu Bajaajtiisa u kaxeeyo meel ka baxsan gudaha degmada Luuq taas oo ay Maamulku ku micneeyeen xaqiijinta Amniga deegaanka.
Maamulka iyo dhalinyarada kulanka wada qaatey ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii looga wada shaqayn lahaa adkeynta Amniga iyo sidii ay dhalinyaradu uga qayb qaadan lahaayeen xiriirka ka dhaxeeya bulshada iyo laamaha ammaanka.
Maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa ku dadaalaya sidii bulshada iyo maamulku ay uga wada shaqayn lahaayeen horumarinta deegaanka iyo adkeynta nabadgalyada Gobolka.