Wararka
Maamulka degmada Kismaayo oo iclaamiyey in olole nadaafadeed laga samayn doono wadooyinka magaalada.
Guddoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay sida maamulkiisu ugu diyaar garoobay maalinta Ciidda.
Guddoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf ayaa iclaamiyey in olole nadaafadeed laga samayn doono wadooyinka magaalada si bilicda magaalada ay u noqota mid soo jiidasha leh.
Guddoomiyaha ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka qayb qaataan hagaajinta bilicda magaalada si loogu ciido jawi qurxoon oo wanaagsan.