Wararka
Maamulka Canshuuraha Garowe oo fariin u diray masuliyiinta ka tirsan dowlada ee aan bixin canshurta Gadiidka.

Ciidanka Ilaalada cashuuraha berriga gobalka Nugaal ayaa manta waxa ay Garowe ka bilaabeen olalaha casharuaha gadiidka aan qadan warqada cashuur bixinta 3bilood laha ah.
Maamulaha cashuuraha berriga gobalka Nugaal sharma’ake Maxamed Warsame oo olalaha kadib lahadlay warbaahinta ayaa wax u firiin udiray dhamaan gadiidlayda caasimada isagoo faray in ay gadiidkooda cashuurtaan dhamaan dadka ku mool magaalada, sida shirkadaha iyo gadiidka gaarka loo leeyahay.
Waxaa kaloo uu u sheegay in ciidamada ku howlahan aruurinta cashuuraha ay wadi doonana olalalha ayagoo ka howl gali doon wadooyinka magalada si ay usoo qabtaan baaburta aan cashuuranayn.
Sharamaake Maxmed warsame maamulaha cashuuraha gobalka Nugaal ayaa dagniin udiray dadka aan cashuuran gadiidka sida shaqaalaha dowlada iyo kuwa ha’addah waxaa uuna sheegay in ganaax mutaysan doonan sharcigana lamarin doono hadii ay bixin wayaan cashuurta Dowladda.