Wararka
Lix qarax oo gilgilay caasimada Thailand ee Bangkok.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiil u hadashay Booliska Bangkok, Lix qarax ayaa maanta gilgilay caasimada Bangkok ee dowlada Thailand halka midka toddobaad uu qarimay isagoon qarxin waxaana caasimada kasocday kulan looga hadlaayay aminaga koonfur bari Asia.
masuuliyiinta Isbitaalka the Erewan Medical Centre ayaa sidoo kale xaqiijiyay dhaawaca afar ruux kuwaas oo ay xaaladooda caafimaad ku timaameen mid wanagsan oo aan laga deerineenin.
Xiliga ay qaraxyadaasi dhacayeen ayaa waxaa caasimada ka socday kulan looga hadlaayay amniga Koonfur Bari Asia waxaan kulankaas qayb ka ahaa masuuliyiin sar sare oo kasocday dolwada Maraykanka oo uu ugu horeeyo Xoghayaha Maraykanka Mike Pompeo iyo masuuliyiin ka socotay Shiinaha iyo madax kala oo ayna kasocday Addunka.
Booliska caasimadaThailand ayaa khamiistii sheegay in ay gacanta ku dhigeen laba Ban oo feeg ah (been abuur) ah kuwaas oo la dhigay meel aan ka dheeren mesha uu kulanka ka qabsoomay waxaa uuna intaa ku daray in laba ruux oo looga shakiyay falkaasi loo soo xiray.