Wararka
Liiska Dalalka ay u dhasheen dadkii ku dhintay diyaaradii burburtay oo la shaaciyey.
waxaa la soo bandhigay tirada dadkii ku dhintay diyaaradii Maanta ku burburtay duleedka casimada Addis Ababa ee dalka Itoobiya iyo wadamada ay kasoo kala jeedaan Sida ay baahiyeen Madaxda Shirkadda Itoobiyan Airline.
Tirada dadkii ku dhintay burburka diyaarada ayaa waxaa lagu sheegay 152 ruux waxaana liiska kujira hal qof oo sitay baasaboorka Soomaaliga, waxayna u muuqataa in sharikaddu ay tix galisay baasaboorada ay dadkaasi wateen oo kali ah, balse ay u dhawdahay in ay kujireen dad asal ahaan Soomaali ah oo baasabooraddaas qaarkood sitay.
Liiska ay sharikadda diyaaradaha ee Ethiopian airlines ay soo saartay ayaa ahaa sida hoos ku qoran.
32 Kenyan
18 Reer Canada
9 Itoobiyaan
8 Shiinees
8 Talyaani
8 Ameerikaan
7 Faransiis
7 Ingiriis
6 Masaari
5 Jarmal ah
1 baasaboor Qaramada Midoobay watay
4 Hindi
4 Slovakia
3 Australia
3 Ruush
3 Sweden
2 Spain
2 Poland
1 Indonesia
1 Ireland
1 Rwanda
1 Sucuudiga
1 Soomaali
1 Serbia
1 Nepal
1 Nigeria
2 Morokaan
2 Israaiiliyiin
1 Biljim
1 Ugandhiis
1 Yemeni
1 Sudaniis
1 Togo
1 Muzambiik
1 Norway