Wararka
Labada wayil ee dhidigga ah ee addunka ku soo haray oo Ilma loogu beeray dalka Kenya.
Quburo iyo Saynisyahano ka kala lasocday dalalka Talyaniga iyo Jarmanka ayaa asbuucaan gaaray beerta xayawaanada lagu ilaaliye ee layirahdo Ol Pejeta oo ku taala dalka Kenya taas oo 250 kilometers kaga began dhanka waqooyi ee caasimada Nairobi.
Saynisyahanadaan oo garab siinaayay dhaqaatirta xayawaanada duur-joogta ee Kenya ayaa fuliyay how gal ilma loogu beeraayay labada wayil ee adduunka kusoo hartay kuwaas oo ku nool beerta Ol Pejeta.
Quburadaan iyo saynisyahanadaan ayaa waxaa ay soo qaadeen shahwadii wayil lab aheyd oo sanad ka hor ku geeriyootay isla dalka Kenya taas oo shahwadeeda la keediyay waxaa ayna ku beereen labadaan wayil oo labadaba ah dhidig.
Rajada ah in ay siijiri doonta wayishaan ama ayba farcami doontaa ayaa ahedy mid boqolkiiba 20% ah maadaama labadoodaba ay ahaayeen dhidig.
Agaasimada laanta shaybaarka taranka xayawaanka ee Avantea ee dalka Talyaniga, Cesare Galli, ayaa sheegay in natiijadii ay kasoo baxday wax ka wanagsan intii la rajaynaayay in kabadan laakin ay tahay talaabadii ugu horeysay loona baahan yahay in laga war-dhoora waxban ayna natiijada kama danbaysta ah qaadan karto mudda sanada ah.
Kenya ayaa hooy u heyd inkabadan 20,000 oo wayil ah sanadihii 1970-kii balse ka ganacsiga iyo u gaarsiga loo gaysanaayay ayaa dhaliyay in maanta ay sii dabar go’aysa duurjoogtaan oo kamid aheyd xayawaanada loogu dalxiiska badnaa dalkaasi Kenya.