Wararka
Laba nin oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab oo dil toogasha lagu Fuliyay.
Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ayaa Saakay dil toogasho ku fulisay labo nin oo horay loogu soo eedeeyay in ay tirsanaayeen Al-Shabaab.
Labadaan nin ayaa lagu soo eedeeyay in ay dilal kala duwan ay ka gaysteen Magaalada Mugdisho ee caasimada dalka.
Ragga maanta dilka Toogashada lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabaa; Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) iyo Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) ayaa waxaa horey Xukuno dil ah ugu soo rideen heerarka Kala duwan ee Maxkamadaha Ciidanka Qalabka sida, balse Saaka Aroortii hore ayaa lagu fuliyay dilka Toogashada kaas oo ka dhacay Fagaaraha Cadaalada ee Toogashadu ka dhacdo ee Muqdisho.