Wararka

Laba kamid ah ragii dilay AUN Taliyihii Ciidamada Gorgor oo lagu xukumay dil.

Maxkamadda darajada koobaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta go’aan ka gaartay kiiska maxkamadeynta 4 qof oo loo haystay dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor Maxaadeey Suleymaan, oo ay dileen ilaalada Hotel Maa’ida Ex-Naasahablood-2, 19-kii October 2019.

Maxkamadda ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday afar nin oo ka shaqeysa Hotel Ma’ida Ex Naasahablood 2 oo ku eedeysnaa dilka Taliyihii Ciidamada Gorgor.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida gaashaanle sare Xasan Cali Nuur  ayaaa sheegay in xukun dil toogasho lagu riday dable xoogga Xasan Shuute Cismaan iyo Dable Boolis Juule Gaabow Ibraahim oo ah qisaasta Maxaadeey Saleebaan iyo Askarigii illaalada u ahaa ee la socda,  halka labada kale lagu xukumay min 5 Sano oo xabi Ciidan ah.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida  ayaa go’aamisay in dilka Taliyihii hore ee Gorgor uu ahaa mid ku tala gal ah, iyadoo la soo bandhigay afartii qori ee Ilaalada heysteen iyo fooqa rasaasta lagu dilay Marxuumka iyo caddeymo kale.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay ciddii aan ku qanacsaneyn xukunkaasi inay u furan tahay qaadashada Racfaan.

Maxkamada ciidamada qalabsida ee soomaliya oo maanta go'aan ka gaartey Rag loo haystay dilka taliyihii GORGOR

Maxkamada ciidamada qalabsida ee soomaliya oo maanta go'aan ka gaartey Rag loo haystay dilka taliyihii GORGOR @Adam Ali Ahmed

Posted by TUSMO TV on Wednesday, 13 May 2020

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close