Wararka

laamaha amniga Jubbaland oo kulan ku yeeshay Kismayo.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur ayaa maanta guddoomiyay kulan laamaha amniga Jubbaland  ay Ku yeesheen Magaalada Kismaayo ee xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Jubbaland ,

Kulanka ayaa waxaa looga hadla xaqiijinta amniga Jubbaland, ka hortaga falalka lidka ku ah amniga Jubbaland iyo samaynta howlgallo joogto ah oo nabadgelyada lagu xaqiijiyo.

Waxaana Kulanka Ka qeyb galay Taliska ciidamada kala duwan ee Jubbaland sida Nabad-sugidda, Booliska,Daraawiishta iyo Saraakiisha sar sare ee ciidanka Jubbaland.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo marka uu kulanka soo cidlaaday warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu  sharraxaad ka bixiyey shirka iyo go’aanada kasoo baxay.

Wuxuuna Ugu BDambeyntii  qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Jubbaland ugu baaqay in ay ciidanka amniga kala shaqeeyaan xaqiijinta nabadgelyada deegaanada Jubaland.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close