Wararka

Kuuryada Koonfureed oo sheegtay in ay marnaba ka daali doonin baadi goobka  21 ruux oo lagu la’yahay wabiga Danube.

Dowlada Kuuryada Koonfureed ayaa sheegatay in wali ay baadi goob Ku hayso  21 ruux oo lagu la’yahay wabiga Danube ee dalka Hungarian kadib markii ay dooni iyo markab isku dhaceen xili ay marayeen wabiga Danube.

Booliska dalka Hungarian ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Viking Sigyn o ahaa kabtankii waday markabka kaas oo kasoo jeeda dalka Ukrainian, waxaa ayna sheegeen in ay su’aalo waydiiniyaan.

Isku dhaca doonida iyo markabaka ayaa yimid xili roob uu da’ayey iyadoona la sheegay roobkaasi inuu sababay isku dhaca

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kuuryada Koonfureed Kang Kyung-wha Oo Hugaaminaayo koox gurmadka deg deg ah ayaa maanta oo jimca ah gaartay caasimada Budapest ee dalka Hungarian waxaa ayna booqdeen.

Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in ay dhinteen toddoba ruux oo kasoo jeeda Kuuryada koonfureed waxaana la la’ yahay 21 ruux oo kale waxaana dadkaa kamida gabadh lix sanno jir ah iyo kabtankii doonta waday iyo shaqaalihii kale ee saarnaa doonida.

 

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close