Wararka

Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland oo maanta shir guddoominaayey Shirkii golaha wasiiradda Jubbaland.

Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland ahna Madaxweyne ku-xigeenka labaad Cabdiqadir Xaaji Maxamuud ayaa maanta shir guddoominaayey Shirkii golaha wasiiradda Jubbaland waxaana diiradda lagu saaray arrrimo ay kamid yihiin siyaasadda, amniga, abaaraha iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha.

Kullanka maanta waxaa warbixino looga dhegaystay wasaaradaha Waxbarahsada, Arrrimaha gudaha, Amniga iyo Howlaha guud iyo Guryeynta.

Wasiirada Jubbaland ayaa bogaadiyay shirka wadatashiga Qaran ee ka socda magaalada Garoowe, iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyeen miro dhalka shirkaasi.

Wasiirada aya sidookale isla meel dhigay sida ugu dhaqsimaha badan loo sameeyo gurmadyo samafal ah si loo caawiyo dadka dhibaateysan ee ay soo wajaheen duruufaha la socda abaaraha.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha Jubbaland C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa ka warbixiyay waxyaabaha kasoo baxay shirka golaha wasiirada Jubbaland waxaa uuna sheegay in wasiirada ay isla qaateen in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo dadka ay abaarahu saameeyeen ee ku nool deegaana kala duwan ee Jubbaland.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close