Wararka
Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Isbitaalka ku booqday dhawacyada weerarkii Xarunta Gobolka Banadir.
Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ibraahim Cumar Mahadale ( ibraahim dheere) ayaa galabta Isbitaalka Digfeer ku booqday dhawacyadii ku dhawacmay weerarkii lagu qaaday xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ahna Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ibraahim Dheere ayaa Alla ugu baryay in uu caafimaad siiyo intii ku dhaawacantay qaraxaas kuwi dhintana Allaha u naxariisto.
14-kii bishaan aynu ku jirno ayuu qaraxa ka dhacay xarunta dowlada Hoose ee Xamar xili sida lasheegay xarunta lagu waday in lagu qabto shir looga hadli rabay amniga caasimada.