Wararka
Senatarada aqalka sare oo maanta ka dooday xeer hoosaadka golaha.
Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Kulan ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 5aad kulankiisa 7.
Kullanka maanta waxaa shir guddoomiyay guddoomiya ku-xigeenka 2-aad ee golaha aqalka sare Mowliid Xuseen Guhaad.
Ajandaha kulanka manta ay yeesheen Golaha aqalka sare ayaa ahaa ka doodista Xeer hoosaadka Golaha waxaana dood ku aadan xeer Hoosadka soo jeediyay qaarkamida Sanatarada dalka.
Sanatar Deeqo Cabdi Axmed ayaa ka hadashay dib u dhac ku yimaado sanatarada xiliga xaadirinta oo ay awal ahaan jirtay in la bilaabo xaadirinta seddeedda subaxnimo kulankana lafura sagaalka subaxnimo waxaa ay sheegtay in qodobkaas wax ka badalis lagu sameeyo.
Sidoo kale Sanatar Zamzam Daahir oo ka hadlaysay ka doodista qodobada loo soo gudbiyay ee xeer hoosaadka golaha ayaa sheegay in buuga dib loogu laabto oo qodoba badan lagu soo daro.
Sanatar Zamzam ayaa sheegtay in lagu soo daro buuga qodobka 63-aad kaas oo ka hadlaayo in haddii guddoonka uu lashaqayn waayo guddiyada ay cod u qaadi karaan si ay isaga wareejiyaan
Sanatar Zamzam ayaa waxaa ay sheegtay in haddii mooshin la keeno uusan ku dhaceyn muddo shan maalin ah balse ay ka laaban karaan dadkii soo gudbiyay ama in cod lagaliyo.
“mooshin haddii lasoo gudbiyo shan maalmood ayuu ku dhacaayaa wax ladhahaayo majiro, dadkii soo gudbiyay ayaa ka laabanaayo ama cod ayaa la galinaayaa” ayay tiri Sanatar Zamzam Daahir.
ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Sanatarada Senator Xassan Faarax Xujaale ayaa uga mahadceliyey Senatorada soojedintooda asagoo sheegay in ayagoo ka duulaya soojeedinta Senatorada ay wax ka badal ku sameeyn doonan qaar kamid ah qodabada Xeer-hoosaadka Golaha wuxuuna tilmaamay in Golaha dib ugu soo celin doonaan si uu go’aan uga gaaro.