Wararka
Kulankii ugu horeeyay ee Waji ka waji ah oo dhexmara Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aqalka Madaxtooyada Galmudug kula kulmey Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Kulankan ayaa la sheegay in uu ku koobnaa salaan iyo is arag gogol xaar ah u ah wadahadalada qorsheysan oo lagu xalinayo khilaafka mudada soo jiitamayey ee DFS iyo Jubbaland.
Waa kulankii ugu horeeyay oo waji ka waji ah ee dhax mara madaxweynaha dowlada federaalka iyo madaxweynaha Jubbaland tan iyo markii Magaalada Kismaayo ay ka dhacday doorasha muran badan dhalisay.