Wararka
Kulankii 3-aad oo si wadajir ah ay u yeelanayaan Labada Aqal ee Baarlamanka dalka oo Gordhaw furmay.
Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka furmay kulankii 3-aad ee sida Wada Jirka u yeelanayaan Labada Aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya Oo Shir Guddominaya an Guddonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federalka Soomaliya.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee labada aqal ee Baarlamaanka dalka waxaana kulanka Ku Furmay 186 Mudane.
Ajendaha Kulanka maanta ayaa ah; Habraaca Ansixinta Dib U Eegista Dastuurka Kumeel Gaar ah ee Dalka waxaana gaba gabada kulanka kazoo bixidoona waxyaabo ku saabsan wixii looga dooday kulanka inta uu socday.