Wararka
Kulanka Xildhibanada golaha Shacabka oo furmay.

Waxaa Goor Dhow Furmay Kulankii 21-aad Kalfadhiga Lixaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Waxaana Shir Guddominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Golaha Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey.
Ajendaha Kulanka maanta ayaa ah; Sii Wadida Akhrinta 2aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka Oo Tobaadkan Sii Soctay Doodiisa.
Ka Hor Dooda Inta Aysan Bilaaban ayaa Guddonka iyo Xildhibaanada qaar Waxa ay Ka Tacsiyadeen Dadkii Dhibaatada Kasoo Gaartay Weerarki Ka Dhacay Hoteellka SYL sidoo kale waxaa ay Baaq Nabadeed u Direen dadka Walaalaha ah ee ku Dagaalamaya Bariga Gobolka Mudug gaar ahaan Af-barwaaqo iyo Towfiiq.
Dhanka Kale Xildhibaanada Golaha Shacabka Ayaa Ka Hadlay Fatahaado Hor Leh Oo Ka Dilaacay Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelada Hoose.