Wararka
kulanka maanta ee golaha shacabka oo su’aalo lagu weydiiyay madaxda laamaha amniga dalka.
Kulankii 5aad ee kalfadhiga 5aad ee golaha shacab Baarlamaanka Federalka Soomaliya ayaa manta ka qabsoomay magaaalda Muqdisho kulanka ayaa ajandihiisu waxa uu ahaa su’aaalo waydiinta madaxda laaamaha amniga dalka.
Kulanka ayaa kooramkiisa ku furmay illaa 150 Xildhibaan oo ah inta soo xaadirtay, waxaana shir gudoominaayay gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal inta uusan furmin kulan aayaa gudoomiye mursal waxa ku dhawaaqay inuu kulanka furan yahay, isagoo ku wargeliyay Xildhibaanada in su’aalahooda aysan ka badnaa hal daqiiqo, isla markaana jawaabuhu yihiin 3 daqiiqo.
Waxaa hoolka Xarunta Baarlamaanka soo xaadiray Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Gaashaandhigga Amar Dambe, Taliyeyaasha Ciidamada sida Booliska, Milateriga, Asluubta iyo Kusimaha Taliyaha NISA.
iyadoona kulankan qorshihiisu uu ahaa inuu qabsoomo bilowga todobaadkii tagay kaa oo ku idlaaday fowdo iyo buuq soo kala dhex galay mudanyaasha golaha shacabka ka dib markii warbaahinta lagu wargaliyay in kulanka banaanka ka aadaan.
Hase ahaatee Dooda kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa banaanka ka joogay Warbaahinta,waxaana xusid mudan ilaa iyo iminka aanan la ogeyn waxa sida saxda ah ee looga hadlay kulanka, Marka laga imaado ogaanshaha ajandah oo ahaa su’aalo weydiinta madaxda laamaha amniga dalka.