Wararka

Kulanka Golaha wasiiradda Koonfur Galbeed oo looga hadlay xaaladaha amniga deeganada KGS.

Waxaa maanta oo khamiis ah kulankoodii Todobaadadlaha ahaa Magaalada baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur galbeed ku yeeshay Wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaana kulankaasi Shir Gudoomiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen.

Shirka ayaa inta uu Socday waxaa uu ahaa mid looga hadlayey Xaaladaha ka jira Gobolada Koonfur Galbeed Somaliya Waxana inta uu Socday Warbixino laga Dhegeystay Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Somaliya.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Isaag Ali Subag ayaa laga Dhegeystay Warbixin ku aadan Amaanka Guud Gobolada Koonfur Galbeed Somaliya Waxaana uu Sheegey in Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Darawiishta Koonfur Galbeed ay Wadaan Howlgalo lagu sugaayo amniga tuuloyinka Hosyimada Degmooyinka Koonfur Galbeed Somaliya.

Sido kale Shirka inta uu socday waxaa looga hadlay Soo Dhoweynta Wafdiga uu Hogaaminayo Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyr ee kuso Wajahan Magaalada Baydhabo Sidii looga Qeybqadan lahaa Maalmaha Shaqada uu ujoogo Baydhabo.Image may contain: 1 person, smiling, suitImage may contain: 4 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting and sunglassesImage may contain: 1 person, sitting, glasses and close-up

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close