Wararka
Kulan maalinkii labaad ka socda Xarunta Afisyooni oo ay ka maqan yihiin Jubbaland iyo Puntland.

Wasiirka warfaafinta dowlada federaalka Soomaaliya Cusman Abukar Dubbe ayaa faahfaahiyay kulan maalinkii labaad u socda Madaxweynaha dowlada faderaalka, Ra’isal wasaaraha xukuumada, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir.
Wasiir Dubbe ayaa sheegay in kulanka maanta warbixinadooda laga dhagaysan doona Guddidii Farsamada Doorashooyinka.
“Waxa maalintii labaad si habsami ah uga socda Xarunta Afisyooni shirkii Madasha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Maanta waxa warbixinahooda jeedinaya Guddidii Farsamada Doorashooyinka”
Kulankaan oo uu maalinkii labaad shir Guddoomiyaano Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaan ka soo qayb galin Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam.